Baraqoon

Waa maxay E-commerce? Qeexid, Faa’iidooyinkiisa

Table of Contents

This image has an empty alt attribute; its file name is ecommerce-product-1024x684.jpg

Waa maxay e-commerce?

E-commerce ama electronic commerce waa iibka ka dhaxdhacaya internate-ka. Iyada oo la isticmaalayo mobile ipad ama computer.

tusaale ahaan waxaad u baahantahay in aad soo iibsato mobile, sida caadiga ah qofka markuu u baahanyahay alaab wuxuu aadaa suuqa wuuna soo iibsadaa alaabti uu u baahnaa hadaba kawaran halki aad aadi lahayd suuqa hadii aad isticmaashid mobile-kaaga ipadkaaga ama computerkaaga oo aad raadsadi dad iibinaya mobile-kaas aad rabtid ka dibna aad laxiriirtid lacagtana aad u dirtid iyagana ay kuu soo dhiibaan mobile-ka, hadaba wax kala iibsiga noocaas ah ee ka dhaxdhacaya internate ka ayaa loo yaqaanaa E-commerce.

Faa’iidooyinka uu leeyahay e-commerce-ga

Waxaa kaloo jira faa’idooyin aad u tirabadan oo uu leeyahay e-commerce-ga.

  • Gaaritaan caalami ah:
    e-commerce-ga wuxuu ganacsatada u ogolaanayaa in si fudud ay u gaaraan dadka ku kala nool caalamka oo dhan taasoo ooga dhigan helida macaamiil aad u fara badan.
  • Kharash yaraan:
    E-commerce-ga ama ganacsiga onlineka waxaad ku bilaabi kartaa kharash ama lacag aad u yar marka loo barbardhigo bilaabida ganacsiga caadiga ah oo ay khasabka tahay in aad kiraysatid xarun ama goob fiican oo ay dadka ku badanyihiin. Halka e-commercega ayanan jirin wax kiro ama kharash kale oo kuugu soconaya. Hadaba kharash yaraantaas ayaa sawabta in qofwalba uu sifudud u bilaabi karo ganacsiga e-commerce-ga.
  • Iibinta alaabo badan:
    Baraha online-ka ee wax lagu iibiyo waxay suurtagal ka dhigeen in aad ku soo bandhigi kartid oo aad ku iibin kartid alaabo aad u badan.
    Waxaa taas dheer suuqgaynta digitalka ah sida facebook ads oo kuu ogolaanaya in sifudud aad u heshid macaamiil daneenaysa alaabta ama adeega aad iibinaysid

Yaa bilaabi kara ganacsigaane-commerce-ga?

Ganacsigaan waxaa bilaabi kara qof walba kumana xirna halka uu joogo qofka.
Waxaana suurtagal ah $100 iyo lacag ka siiyar in lagu bilaabo ganacsigaan e-commerce-ga

Hadaba hadii aad daneenaysid bilaabida ganacsigaan waxaa jira tababar dhamees-tiran aan diyaarinay qofkana uu kubaranayo bilow ilaa iyo dhamaad qaabki uu u bilaabi lahaa ganacsigan e-commerce-ga.

hadaba si’aad u qaadatid tababarkeena ku dhufo lifaaqan hoose: https://baraqoon.com/

Ku xirnow oo rukumo maqaaladeena

Oo hel maqaalada ugu faa’idada badan ee aan qorno!

Related Posts

Bilow ganacsi online ah oo guulaysta
Sidee u bilaabi kartaa ganacsi online ah oo guulaysta?
Ganacsiga online-ka wuxuu ka midyahay ganacsiyada ugu koritaanka badan faa’idooyinka ugu badan laga sameeyo ...
Read More
waa maxay ecommerce
Waa maxay E-commerce? Qeexid, Faa'iidooyinkiisa
Waa maxay e-commerce? E-commerce ama electronic commerce waa iibka ka dhaxdhacaya internate-ka. Iyada...
Read More