Baraqoon

Sidee u bilaabi kartaa ganacsi online ah oo guulaysta?

Table of Contents

Ganacsiga online-ka wuxuu ka midyahay ganacsiyada ugu koritaanka badan faa’idooyinka ugu badan laga sameeyo  dunidoo dhan , Waxaa sanad walba ku soo biira ganacsigaan dad aad u tira badan balse nasiib daro way ku guul daraystaan badankooda.

Hadaba adiga sidee u bilaabi kartaa ganacsi online-ah oo guulaysta?

Waxaan halkaan kugula wadagayaan 5 qodob oo  hadii aad raacdid qodobadaas aad ku guulaysanaysid bilaabida ganacsi online ah.

1:Niche market / dooro suuqa aad galaysid.

Hadii aan sii fahfaahiyo niche waxaa loola jeedaa in aad targed garaysid qayb ka mid ah suuqa oo aad u adeegtid macaamiil gaar ah. Tusaale ahaan: kaliya in aad iibisid dharka caruurta ama aad iibisid waxyaabah ay isku qurxiyaan dumarka sida makeupka iyo waxyaabaha laxiriira,. Labadaan qaybood kaliya waxaan u soo qaatay tusaale ahaan waxaa jira boqolaal kale oo lamid ah.

Marka aad dooratid suuqa aad gali lahayd waxaad u gudbaysaa qodobka 2aad oo ah 

2:Samee baaritaan qoto dheer.

Raadi productiyo looga baahanyahay suuqa wilina aan la dhamaystirin baahiyaha loo qabo, Marka laraadinayo alaab looga baahanyahay suuqa waxaa jira tikniikyo la’isticmaalo oo lagu ogaado alaabta looga baahanyahay suuqa

Tikniiyadaas la’isticmaalo waxaan ka soo diyaarin doonaa maqaalo kale waxaana idinkula wadaagi doonaa halkaan.

Hadaba markaad soo heshid alaab looga baahanyahay suuqa waxaad u gudbi doontaa qodobka 3aad oo ah

3:Keenso alaabta.

Waa in aad keensatid alaabta Jumlo ahaan ooga soo qaado suuqa ama kadalbo suuqyada waa wayn ee caalamiga ah sida Alibaba shein amazon iyo kuwa kale ee la midka ah.

Hadaba marka aad keensatid alaabta waxaad u gudbi doontaa qodobka 4aad oo ah

4:samayso social media accounts.

Waa in aan samaysatid halki aad ku iibin lahayd alaabta sida fb page tiktok account instgram iyo in aad samaysatid website hadii aad awoodid.

Waxaa kaloo laga maarmaan ah in aad samaysatid logo/sumad u gaar ah ganacsigaaga macaamiishaadana ay kugu aqoonsadaan,

Hadaba markaad ka soo dhamaatid qodobka afaraad waxaad u gudbaysaa qodobka 5aad oo ah

5:Marketing / suuqgayn.

Waa in aad samaysid suuqgayn balaaran oo aad  soo xayeesiisid alaabta aad iibinaysid si’aad u heshid macaamiil.

Waxaad samayn kartaa xayeesiimo aad lacag ku bixinaysid adiga oo isticmaalayo  fb ads google ads iyo kuwa kale ee lamidka ah.

Hadaba hadii ay kaa go’antahay bilaabida ganacsigaan online-ka waxaad u baahantahay in hagitaan aad ka heshid dad khibrad badan u leh ganacsigaan sida baraqoon oo kale.

Waana hubaal hadii aan ku hagno in aad ku guulaysanaysid bilaabida ganacsi online ah. Si’aad noola soo xiriirtid ku dhufo lifaaqaan hoose: https://baraqoon.com/

Ku xirnow oo rukumo maqaaladeena

Oo hel maqaalada ugu faa’idada badan ee aan qorno!

Related Posts

Bilow ganacsi online ah oo guulaysta
Sidee u bilaabi kartaa ganacsi online ah oo guulaysta?
Ganacsiga online-ka wuxuu ka midyahay ganacsiyada ugu koritaanka badan faa’idooyinka ugu badan laga sameeyo ...
Read More
waa maxay ecommerce
Waa maxay E-commerce? Qeexid, Faa'iidooyinkiisa
Waa maxay e-commerce? E-commerce ama electronic commerce waa iibka ka dhaxdhacaya internate-ka. Iyada...
Read More